𝗔𝗳 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗴𝘂: waa af aad iyo aad u ballaaran hodana ah, erayadiisuna aad bay u tira badan yihiin. Af soomaaligu wuxuu kamid yahay afafka da'da weyn waxaana u marag ah suugaantiisa qoddada dheer oo qarniyaalkii la soo maray waxba ka badali kari waayeen.

Afkeennu wuxuu ku fac tirsadaa, lana walaal yahay afafka 𝙆𝙐𝙎𝙃𝙄𝙄𝙏𝙄𝙂𝘼, dunidu maanta waxay qirsan tahay af soomaaligu inuu yahay af aan doorsoomin.


Afafka kushitigga waa laan ( qeyb ) ka mid ah afafka Afro-Asiatic, luqadaha ugu dhow af soomaaliga waxa ka mid ah luuqadda Canfarta oo ay ku hadlaan qeyb kamid dadka Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti, iyo luuqada Oromo oo looga hadlo qeybo ka mid ah Itoobiya iyo Kenya.

Af-Soomaaligu waa luqadda ugu hagaagsan ama ugu habaysan afafka Kushitiga, sida ay sheegayaan daraasado cilmiyeed lagu sameeyay af-Soomaaliga kuwaas oo soo taxnaa tan iyo wixii ka horreeyay sanadii 1900. 


Af-soomaaliga waxaa loo qeybiyaa labo lahjadood oo waaweyn oo kala ah May iyo Maxaa tiri, lahjada maxaa tiri waa tan ay ku hadlaan inta badan dadka Soomaaliyeed. Lahjada maayga waxaa ku hadla shacabka daga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Nasiib daro lama qorin alifbeetada afsoomaaliga oo kaliya waa lagu hadli jiray in mudo ah lakiin xili hogaamintii madaxwayne 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑺𝒊𝒚𝒂𝒂𝒅 𝑩𝒂𝒓𝒆 october 1972 ayaa la qoray alifbeetada luuqada iyada oo la gaarsiiyay guud ahaan dalka isla sanadkas.


Alifbeetada afsoomaaliga waxaa hirgaliyay afyaqaankii soomaaliyeed 𝑺𝑯𝑰𝑹𝑬 𝑱𝑨𝑨𝑴𝑨𝑪 𝑨𝑿𝑴𝑬𝑫 asiga oo isticmaalay alifbeetada laantiinka ee luuqada ingiriiska oo laga reebay xarfaha P, V iyo Z , Sidoo kale waxa uu isticmaalay qaar ka mid ah alifbeetada luuqada carabiga oo markii hore saamayn ku lahaa ku hadlida afsoomaaliga.


Qarnigii labaatanaad waxa la curiyay hab-qoraalaydyo kale oo wax lagu qoro waxaa ka mid ahaa farta Cusmaaniyiinta, Farta Boorama iyo farta Kadari, farta cusmaaniyiinta waxaa lahaa 𝑪𝒊𝒔𝒎𝒂𝒂𝒏 𝒀𝒖𝒖𝒔𝒖𝒇 𝑲𝒂𝒚𝒏𝒂𝒅𝒊𝒊𝒅 oo ahaa suldaankii iyo gabayaagii Soomaaliyeed ee horumariyay xuruufta Cusmaaniyiinta 1922kii, 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑪𝒂𝒃𝒅𝒊𝒓𝒂𝒙𝒎𝒂𝒂𝒏 𝑵𝒖𝒖𝒓 oo ahaa Macallin iyo Garsoore Soomaaliyeed sidoo kale waxa uu alifay Farta 𝘽𝙤𝙤𝙧𝙖𝙢𝙖 (Far Gadabuursi) 1933dii, iyo 𝑿𝒖𝒔𝒆𝒆𝒏 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 oo ahaa maamule iyo hal-abuure Soomaaliyeed oo alifay Fartii 𝙆𝙖𝙙𝙙𝙖𝙧𝙞𝙮𝙖 (Kaddariya Script) 1953.


Af Carabiga waa luuqadda labaad ee dalka oo dadka Soomaaliyeed si buuxda u yaqaaniin taasoo ay ugu wacan tahay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya la wadaagto dalalka Carabta marka laga daro saameynta ballaaran ee warbaahinta Carabta ku leedahay dalka iyo waxbarashada diiniga ah oo caruurta lagu barbaaariyo.


Marka laga soo tago afafka Soomaaliga iyo Carabiga Ingiriisigu waa mid ka mid ah luuqadaha sida wayn looga isticmaalo dalka,  iyada oo wax lagu barto heerarka kala duwan ee waxbarasho halka luqadda Talyaaniga ay mar ahaan jirtay luqadda rasmiga ah ee dalka balse markii ay xornimada qaadatay Soomaaliya ayay meesha ka baxday lakiin waxaa ku hadli jiray jiilashii hore ee gumaysiga soo gaadhay.


Waxaa kaloo jira lahjado ay ku hadlaan dad kooban oo ku nool gudaha Soomaaliya, sida lahjada Baraawi, oo ka soo jeedda afka Sawaaxiliga, ayna ku hadlaan dadka deggan magaalada Baraawe ee Koonfur-bari Soomaaliya.