Qur’aanku waa daliilka mucjisadda ah ee diinta islaam-ka, diin walba waxa ay lahayd mucjiso u gaar ah [oo] ku salaysnayd shayga ama awoodda markaas bulshaddu isugu faanto ama dhexdeeda ku badan. Sheikh Mustafe Haaruun oo qur’aanka ka hadlaaya ayaa yiri;- “Qur’aanku waa labbo: kow waa daliilka mucjisiga ah ee diinta islaamka, Labo waa man-hajka[dariiqa] nolol bulsho oo idil. Qur’aanku waxa mucjiso loga dhigay dadka oo idil, mucjisanimadiisu maaha lisaanka uu kusoo degay oo kaliya, ereyadda, macnaha, luqadda, tartiibka, cilmiga, fanka iyo xitaa balaaqnimadiisu waa mid mucjisa ah oo insaanku[dadku] kari waayay inuu mid u dhigma ama u eeg u keeno. 


Soo dagistii qur’aanku waxay u dhacday labba wakhti[Cahdi], cahdiga hore waxaa loo yaqaan cahdigii Makka, qur’aankii soo degay wakhtigaas waxa uu u badnaa aayaddo ka hadlaaya caqiidadda, dacwadda, xujadda qur’aanka, jiritaanka alle iyo nasahanaantiisa iyo qisooyinkii anbiyadda iyo rususha. Cahdiga[sabenka] Maddina[Yathrib] waa cahdiga labaad ee soo dagista qur’aanka, waa cahdigii nolosha nabiga iyo tan islaamku ku jirtay “sabenkii diwaanka ama noloshii xeerka — ุญูŠุงุฉ ุชู‚ู†ูŠู†". Waa cahdigii dhismaha dowladnimada islaamka iyo ummuureheedii, dowladnimaddu waxay ku dhisan tahay xeer [Law] iyo heshiis[Contract] islaamku horey ayuu ka jideeyey in ummuuraha lagu heshiiyo. 


Cahdigii madiina waxa soo degay qur’aanka qaybtiisa loo yaqaan [Madaniga] waa aayaddo u badan axkaam[xeerar] ku dhaqan iyo camal fal ah. Wakhtigaan nabigu CSW waxaa u wadayaashiisii[Asxaabtii] baray xeerarka qoys-ka, dhaxalka, soonka, sakadda, danbiyadda qudha ah, kuwa bulshawiga ah[Madaniga ah] iqrk. Qur’aanka qaytii u danbaysay ee soo dagtay waxay ahayd qaybta axkaamta[qadfiga, sariqada, dilka, sinadda] dhanka kale qur’aanka saddex dalool, dalool iyo badh in ka badan ayaa isku ah akhlaaq iyo qawaaniin.


Qaynuunku waa kutlo xeerar ah, kuwaas oo loo jideeyey[dhaqangaliyay] in lagu hagaajiyo asluubta, danaha iyo arrimaha bulshadda, jabintooda, ka bayridooda iyo khilaafidooduna ay ka dhalato cuquubo, abaal-marin xeer ama culays qofka ku dhaca. Xeerku waa heshiis iyo awood lagu kala ilaaliyo danaha bulsho ama kooxeed ee iska soo horjeedo iyadoo maslaxadda guud la difaacayo. Danta guud ayaa manfaco u leh qof walba, xeerkuna wuxuu ku dul soconayaa danta guud inta aan ku dhisnayn maslaxo cid kale dheefteeda tiraysa. Xeerka dhowr jeer ayaa sifo kala duwan loo qaybiyaa, dhanka heerka aqooneed ah [Academic Stage] waa xeer guud iyo xeer gaar ah, dhanka qaacidada asalka u ah xeerkana waxaa loo qaybiyaa xeer mowduuci ah iyo xeer hab-raac ah ama qaab ah. Qaynuunka qaybtiisa hab-raaca ah—ู‚ุงู†ูˆู† ุงู„ุฅุฌุฑุงุกุงุช—prosecures Law ee dunidu maanta isticmaasho waxa asal ahaan lagaso tixraacay qisadda Nabi Musse CS goortii alle uu uga xog waramayay ushiisa, taasoo markii danbe maska noqotay.


Qur’aanka ayaa tiir, marjac iyo asal u ah diinta Islaamka, diinta islaamkuna waxay ku taagan tahay tiirar ay ka mid tahay, nafta[ilaalinta nafta], cirdiga—Sharafta, caqliga, maalka iyo nasalka ama tafiiranka. Diintu intaas baa waa ilaalisay oo xeerar ayay ka dhigtay cida ku xad-gudubta, dhanka kalena qaynuunka bashar sameega ah intaas-ba waa ilaaliyay, waxaa qaynuunka ka mid ah xeerka wadooyinka —ู‚ุงู†ูˆู† ุงู„ู…ุฑูˆุฑ oo lagu ilaaliyo nafta iyo maalka qofka, waxa ka mid ah xeerka ficilada xun iyo kuwa ceebta ah oo lagu ilaaliyo cirdiga—sharafta qofka ama bani’aadamka, waxaa jira xeerka danbiyadda oo ka dhan fal walba oo bulshada nolosheda lidi iyo kaso horjeed ku ah. Tani kama macnaha qaynuunku waxa uu la heer yahay qur’aanka balse waa in qur’aanku yahay qaynuun[xeer dhamays tiran] laakiin qaynuun kasta uusan qur’aan ahayn.


Qur’aanka waxa ku jira xeerka dunida ugu faca wayn, waa xeer ka mid ah qaynuunka arrimaha[xaaladaha] dadka— ู‚ุงู†ูˆู† ุงู„ุฃุญูˆุงู„ ุงู„ุดุฎุตูŠุฉ—Personal Status law” xeerkani waa xeerka dhaxal-ka, xeerkani waxaa ku taagan yahay nasuus cad oo waxyi ah, waa xeer qawaacid adag ku dhisan, waxaa uu dadka u kala saaray saddex rac: rac usuul ah, rac furuuc-da la dhaxla ah iyo rac la dhalasho iyo dhiig ah la dhaxla ah. Xeerkani waa gun balaaran yahay, dunida waa kan ugu faca wayn, waxaa uu ka badbaaday bedelida xeerarka lagu sameeyo, taas oo ka makhraati kacaysa mucjisanimadiisa. Dunida reer galbeedka ee qaynuunka guud asalkeedu yahay way ku anfariireen heerka faham, diqo, xeeldheer iyo qaangaarnimo qaynuun ee qur’aanku la yimi, wayna awooddi waayeen iney dajiyaan xeer dhaxal oo la mid ah [taasi waa xujadii 15-qarni ka hor la furiwaayay], dhamaan xeerarka reer yurub malaha xeer dhaxal oo gaarsiisan kan islaamka, xeerka France ee dhaxalka gabadhu wax-ma dhaxasho halka Ey-gu dhaxalka wax ku yeesho.


Qur’aanka waa ineynu u fahano inuu yahay qaynuun iyo xeer dhamaystiran iskuna dhaqno, mase aha ineynu u aqoonsano inuu yahay kitaab muqadis ah oo kaliya. Faham daro badan ayaa halkaas ka dhalatay, qur’aankii oo loo arko muqadis oo kaliya. Qaynuunka ama xeerka marka laga dhex baario qur’aanka waxaa lasoo helayaa aayaddo badan oo xeerar iyo qawaaniin ah; kuwo si cad uu xeerku uga muuqdo iyo kuwo uu si maldahan ugu jiro. Aayaddo kaliyaa maaha; waxaa la helayaa suurad dhan oo xeerar[qawaaniin] nooc walba leh laga soo helaayo Tusaalle:-


Suuratu Yuusuf: Suuradani waxay ka waramaysaa qisaddii Nabi Yuusuf binu Yacquub sida magaceeda ku cad, bal qof walba ha akhriyo suuradaas hana ku tadaburo. Waxaa ku jira nooc walba oo xeer: xeerka qoyska[aayadda 21 ee ka hadlaysa Tabaniga], xeerka Madaniga[Civil Law] aayaddaha 20, 59, 72 iyo 66 dhamaan waxay ka hadlayaan xeerarka iyo arimaha bulshada ka dhex dhaca, suurada waxa kaloo lagu sheegay xeerar ay ka mdi yihiin: xeerka maxkamadaha iyo dacwada[eeg aayadda 25, 26, 27, 28, 36, 51 iyo aayado kale], sidoo kale suurada waxaa lagu sheegay xeerka danbiga—ู‚ุงู†ูˆู† ุงู„ุฌู†ุงุฆู‰ (eeg aayadaha; 9, 23, 25, 78, 78 iyo 86, 88).

Suuradan waa suuradda sida dhabta ah loogu soo qaadan karo dhanka sharciyadda iyo qawaaniinta ee qur’aanka ku jirta, waxaase jira suurado kale oo ay kusoo arooreen xeerar iyo qawaaniin bulshada maanta nool xeerar u ah sida suuratu israa [oo] aayadaha 28 ilaa 38-d boggaa kaliya waxaa ku jira 8 xeer oo 6-ka mid ah laynagu amray ineynu iska ilaalino, 2-xeerna layna faray inan la nimaano[balanta oo aynu oofino iyo caddaalada].


Qaynuunka gaar-ka ah waxaa aabbe iyo asal u ah qaanuunka madaniga ah[Civil Law] qaanuunkaas waxa uu ka hadlaa hagaajinta xiriirka iyo xuquuq-da bulshada dhexdeeda ka jira, xeerarka ka mid ah ee uu hagaajiyo waxa ka mid ah heshiiska wax kala iibsiga [ุนู‚ุฏ ุจูŠุน] xeerkan qur’aanku waxa uu u dejiyay affar qaacido; kow waa xalaal, Labbo waa inu makhraati leeyahay[Qoraalka daynta ama labo wax is-dhaafsaday] saddex: wax isu qarintu[Qishka]waa burisaa, Afar; raali ahaansho. Afartaas qaacido waxa sii sharaxay xeerka iyo fiqiga islaamiga ah, taasi waa tusaale kale oo ino ayidaya in qur’aanku qaynuun dhamaystiran yahay.


Badi qawaaniinta dunidu maanta ku dhaqanto waxaa marjac, asal iyo il laga soo qaatay u ah qawaaniintii Giriiga hore iyo Xadaaradii Naboliga ee reer Xamuraabi, waxaa jira qaanuun fac wayn oo loo yaqaan [Qanuunul Xamuraabi-ู‚ุงู†ูˆู† ุงู„ุญู…ูˆุฑุงุจูŠ] waa xeerka ugu faca wayn bariga dhexe iyo dunida ee gacan lagu hayo qoraalkiisa, waxaa uu ka koobnaa 282-Maado[Article] isaga qayb ka mid ah waxa lagaso dheegtay giriiga. Qur’aanka ayay xeerar badan iska waafaqsanaayeen sida xeerka dhaxalka, diyadda, dilka, sariqadda. Dowladaha dimuqraadiga ah ee reer yurub qawaaniintooda waxa asal, marjac iyo tiir u ah qaanuunka loo yaqaan “Secular law” qaanuunka waa xeer ka madax banaan diin, waa dhaqano, caddooyin iyo qawaaniin bulshooyinku ku heshiiyeen.