Ciyaartoygani waa Kurt Zouma waa ciyaartoy hore oo Chelsea u cayaari jiray, hadana u cayaara kooxda West Ham United. 

Maalin dhawayd uun buu bisadihiisii xaafadda u joogay ee qoyska kamid ahaa mid kamida haraanti la dhacay oo dharaabo kala daalay. Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal uu duubayo qof qoyskiisa kamid ah, isaga oo garaacaya bisadaha. Aad baa arrinkaas looga carooday oo loo hadal hayay. 


Dawladda UK waaxdeeda qaabilsan xannaanaynta xayawananda xaafadaha ayaa u timid oo ka qaadatay labadii bisadood ee u joogay. Kooxdiisiina waxa ay ku xukuntay ganaax dhan inuusan laba isbuuc mushaar kooxda kulahayn, ama lacag u dhigmata mushaarka laba isbuuc. Taasoo dhan $338kun oo doollar, waa lacag aad u tiro badan. 


Sidoo kale shirkadda Adidas oo uu heshiis kula jiray heshiiskiisii waa ay kansashay, maadaama uu bisadihiisii si arxan daran ula dhaqmay. Zouma raali galin ayuu bixiyay, laakiin Dawlada UK waa ay ciqaabi doontaa. 


Lacagta laga qaaday waxa loogu deeqaya waaxda xannaanaynta bisadaha iyo eyda ee UK.