Waa qiso mudan in laga feejig naado.

Nin ayaa wuxuu ku shaqeynsan jiray caano iibin, wuxuu guryaha geyn jiray caanaha saafi ah, dadkii xaafada joogayne waa aamineen caanahiisa waa loo bogay.

Caanahii waxaa aaga soo bixi jiray wax xoogaa macaash ah ama faa,ido ah.

Maalintii dambe ayuu wuxuu is yiri Ar Amaad faa,idada badsataa! 

Maalintii xigtay caanihii ayuu biyo ku soo daray. 


Guryihii u rugmanaa ayuu wada geeyay Dhammaantooda, kadib lacagtii ayuu kasoo wada qaatay, lacagahii oo idil wuxuu ku shubtay qamdi ama kiish. 


Wuu soo baxay geed weyn oo dhinaciiso webi maraayo ayuu hoos fariisatay si uu lacagta u tiriyo, marka uu dhameeyey, Waxaa u soo baxday faa,ido faa,ido dul saaran. 


Markaas ayuu is yiri Alle maanta waa kuugujijirtaayee xoogaa geedkaan hoostiiisa iska seexo. 


Isagoo hurda ayaa waxaa u yimid DAANYEER 🐒🐒 wuxuu ka qaaday Qamdigii geedka ayuu La fuulay, daanyeerkii siduu u boodboodaayay ayuu lacagtii bar webiga ku shubay barka kale dhulka ku shubay.


Caano gadahii wuxuu soo miiroobay ama soo toosay isagoo lacagtii ku soo daadaneyso Wuxuuna ku qaylinaayay Alle maanta faa,ido badnaa Alle maanta faa,ido badnaa. 


Markii lacagta oo idil dhulka ka guray ayaa qamdigii lacagta ugu jirtay niyada ugu soo dhacday, wuu raadiyay wuu waayay! geedkii ayuu fiiriyaay wuxuu arkay DAANYEER oo qamdigii ku ciyaaraayo. 

Inta yaabay ayuu lacagtii gacanta ugu jirtay tiriyay waaba intii maalin walba uu faa,idi jiray, inta qoslay ayuu wuxuu yiri:


فضحك البائع وقال هذه المقوله

((مال الحليب للحليب ومال الماء للماء)) 

"Maalka Caanoolaha waxaa iska leh Caanoolaha, Maalka biyuhu qaaday waxaa iska leh biyaha"


Dulucda Sheekada ayaa ah KHIYAANO WEELKEEDA WAA FAARUQ. 


Nebiga wuxuu inoo sheegay xadiith qiimo badan oo ahaa:

«من غشنا فليس منا»


اللهـم ارزقنا رزقاً حلالا طيبااا.....🍎🍑