Dhaqaalaha suudaan waxa uu ku tiirsanaay wax soo saarka gaaska iyo beeraha, kadib madax-banaanidii koonfurta suudaan waxa ay suudaan lumisay 1/3 ilaha wax soo saar ee gaaska.

Grop and food supply assessment mission (CFSAM) bishii labaad 2020 waxa ay ku qiimeyeen wax soo saarka Qamadigga suudaan  in uu yahay 726,000 tones oo ka ah wax soo saarka guud ee dalka 25%. Taa oo sanadii 2020 ka dhigeysay in ay suudaan u baahan tahay 2.2 million tones oo Qamadi ah in loo soo dhoofiyo.


Isla sanadii 2020 dad gaaraya 9.3 million in ay u baahnaayeen gargaar bani'aadanimo, HRP waxa ay qorsheeyeen in ay caawiyaan 6.1 million qof, 4.7 million oo ka mid ah dadkaasi waxa ay u baahnaayeen cunto iyo hooy/guryo. ( ka eeg xog badan HRP2020).


Sababaha sicir bararka hal mid oo xoojisay ayaa jirta kadib markii aan indho dhaqalyahan ku eegay, markii la joogo dhaqalaha guud ( الاقتصاد كلى) qaabka uu u  shaqeeyo waxaa jirta arin ay reer suudaan ku gadsoomeeyn oo ah hadii ay dowladi daabacdo lacag badan oo cusub waxaa siyaado heerka qiimaha wax kala iibsiga.

مستوى الأسعار تزداد عندما تقوم الحكومة بطبع نقود أكثر .

Bishii 1aad sanadii 2019 bankiga dhexe ee suudaan waxa uu daabacay 100, 200 iyo 500, waxa ayna ku hogaamisay culesyada maanta taagan oo waqtigaasi waxa halkii dollar lagu sarifaayay 50 jiniih lakiin maanta waxaa lagu sarifayaa 480 jiniih. 


Arinka suudaan iyo soomaaliya.


Siyaadada dhan walba ah oo ay wajahayaan reer suudaan maanta waxa ay ina soo martay waqti madaxwayne CABDULLAHI YUSUF AUN, dhacdooyinkaasi waxaa ka mid ah iyada oo markaasi hal killo oo baasta ah la iibinaayay 7 kun sh.s. ayay mar qura gaartay 60 kun sh.s., sidoo kale madaalka galayda ah waxaa la iibinaayay kun iyo shanboqol sh.s. lakiin sicir barar awgii waxa ay gaartay 15 kun sh.s., si lamidaa suudaan maanta halkii dalab ee fuul ah waxaa la iibiyaa 250-300 jiniih halka markii hore la iibin jiray 15-20 jinjiih.


Xalka suudaan muxu yahay? 

1= in laga qaado cuna-qabateeynta si ay wax usoo dhoofsadaan, una dhoofiyaan waliba looga baxo cariiriga dollar-ka. 

2= in ay xukuumada taageerto wax soo saarka dalka.

3= in ay si dhab ah garab kaga helaan dowladaha caalamka.

4= in ay dhexdhexaad ka noqotaa xukuumada arimaha beriga dhexe. ( nin tiisa daryeelaa tu-kale ku dare'ee).