Layla: ayaa so kaxaysay faarax dur-badiiba waxa ay u so kaxaysay dhanka gurrigoodii. 
Waa maalin aan la ogeyn, waxa dhici doona...!!
layla: oo’ay is bar-bar socdaan faarax ayaa waxa ay si wadjirra u so gaarreen gurriga.
Layla: walal faarax aayar halkan ii istaag si aan 
aabbahay ugu soo warramo xaalladda, iyo waxa ay cuskan tahay immaatin kaaga. 
Faarax: haye, bal taggoo qayr la soo laabbo.
Ujeedka ay layla halkaa u istaajisay faarax illinka gurigooda, waxa ay tahy, layla waxaa dhallay aabbo aad u addag , waxaanna la dhashay layla wiilal farra-badan oo qaangaarra oo dirrirtii dhacday qayb ka ahaayeen, waxa ayna baadi goob ugu jirraan wiilka lagu 
magacaawo faarax oo walaashood caashaqi ka 
dhaxeeyo, balse ayagu moog,war iyo wacaal toona u hayn.
Nasiib-wannaag layla waxa ay guddaha uso gashay gurigooda, waxa ay aqalka guddaha kulla kulantay aabaheed oo fadhiya daashadda gurrga, aabbaheed guhaad ayaa loo Garran ogyahay, dur-badiiba sallaan iyoo qosol ayay ku bilowday iyo sheeko gaaban.
Waxa ay hadalka waddaba, waxa ay u hoos gellisey sheekadda faarax iyo waxa uu yahay, iyo waxa ka dhaxeeya labaddood, iyo in uu rabay collaada ka hor in ay is guursadaan balse halkaa nasiib darro, ay is haleeli waayeen faarax, deegan kiina collaad ka oogantay, waxa ay kalloo u sheegtay aabaheed ee odday guhaad in wiilka faarax ahaa uu taagan yahay illinka banaan ka gurigooda, uuna ii yimid anniga ayay sii raacisay hadalka ayadoo baqdin ay ka muuqato. . .
Aabbe guhaad: ayaa isla markii fadhiga ka kacay, asagoo cod sarre ku qaylinnaya, ma faarax ayaa yimid...... , anigoo og in uu ahaa abaan-duulihii
wiilashannaga laayay /dhammeeyay.
Layla: ayaa aabbaheed si naxariis leh ugu jawabtay, ayaddoo leh, aabbe wiilka aniggaa jacel assagana, halkan uma imaan in uu kulla dirriro, ee waxa u yimid inaan is guurrsano maadama, collaadda ka hor ay inaga dhaxaysay, (ballan jaceyl oo guurrra ).. ee aabbe
maannta adiga ayuu marti kuu yahay, oo maggan taada ayuu ku jirraa, waanna ogahay in uu cadowgeenna yahay balse cadowtanimadda ka hor aniga iyo asagga is caashaqnay, ee abbe sidaad rabto ka yeel wiilkaahadaad deennaysid iyo hadaad ka aar’sannayso oo aad 
nolosha dhaafineyso waa adiga un ayey hadalka sii raacisay...!?
Faarax: asaggana, diyaar buu u yahay waxa uu kaalla
kulmo, ee aabbow, waa is jecelnahahy wiilkaa ayay saddax mar cod sarre leh ku dhahdey aabbaheed.
Aabbe guhaad: laba mid baa hortaalla in uu wiilkaa ka aar'guddsado oo uu ugeeyo reerkiisa, sidaanna lagu
ciqaabo lagunadhaafsiyo nolasha amase in uu kaallin gobannima leh uu qaato uunna so dhaweeyo wiilka martida u ah marna sodogga uu unoqon doonno, iskanna ilaawo oo cafis u fidiyo, waxa uu wiilka horrey u fallay.
Aabbe guhaad: ayaa gabadhiisa layla amray in uu faarax guddaha u so gallo gurriga loona dhigo goggol qurux badan.
Layla: ayaa farxad ballaaran ka dareentay hadalka uu aabbaheed ku yiraahdey.
Layla: ayaa u carartay xagga illinka banaan ka ee gurriga uu taagnaa wiilka ay jeclayd faarax, waxa ay hadal naxariis leh oo darreen ku dheehan, ku tiri faarax, asagga oo yaaban oo isleh tallow ma maanta ayaa lagu dilli donna maadama timid reer caddaawad
idin ka dhaxayso. Haddana luggahaada aad ku
timaaday..
Layla: ayaa hadal farxad leh ku dhahday faarax horray
u so gal gurriga, waxba ha isla hadline, aabbe guhaad baa kuu yeerraya..?
Faarax: oo naxsan ayaa gurigii horray u so gallay, waxa ay indhaha isku dhufteen aabbe guhaad oo fadhiya daashadda gurriga.
Aabbe guhaad: ayaa fadhiga uga kacay wiilka faarax waxa uuna galliyay laabta asagga oo darreen siinaya naxariis iyo so dhawayn.
Faarax: fillan waa ayay ku noqotay, waxa maskaxdiisa dhax ahaatay iyo waxa uu haatan arkayo waa kaafi-iyo
kalle-dheerri.
Aabbe guhaad: ayaa hadalka qaatay, so dhawow
wiilkaygow, gurriga waa gurrigaaga, iska ilow wixi horray aad u fashay ama dad-kalle ay horrey u falleen oo wax magarttada eh, uu ula jeeddo collaaddii dhax￾martay labada reerrod iyo dhibaatooyin kii la fallay
Faarax: aabbe, mahadsanid…
Aabbe guhaad: ayaa amray in wiilka caawa loo qallo neef arri si fiicana loo marti sooro mudda saddax berri oo xariira, hadde waa saddax berri.
Faarax: la yaab ayay ku noqotey
Aabbe guhaad: waxa uu amar dul-dhigay wiilasahii uu dhalay oo maalintaa ku maqnaa, xoolla warraabin, kolka ay gurriga yimaadeen, ayuu faray in faarax wiilkii reer hebel ahaa ee collaada ka dhaxaysay uu maanta ku jirro magantooda, ee fadlan wiilasheydii,,, wiilkaa yaa
far layga saarin oo yaan lay garab marrin, waa ogahay idin kunna waa ogtihiin faarax in uu yahay nin caddaawad inna dhax-taala, balse taa way ku duwan tahay ee ninkan dushiisa yaaan la taabban,ayuu kulla dar-darmay wiilashii, ayaggiina sidaa ayay amarkii ku qaateen. Waxaa maqlay imaatinka faarax reeraha derriska ee
aabbe guhaad ay isku reer ka ay ahaayeen.

Waxa ay so dirsadeen, oddoyaal iyo wiillal farrra￾fuddud oo diyaar u ah in ay la so warreegaan wiilka faarax oo loogu sheegay inuu ku suganyahey, gurriga odday guhaad
Aabbe guhaaad: ayaa war-ki maqlay, ogaadayna in lagu so wajahanyahay, wuu diyaar garroobey, in uu ka hortago ragga tolka ee u so socda, nasiib-wannag, waxa
uu kaga hor-tagay illinka gurrigiisa, ragii duullaan ka ahaa ee baadi goob ka ugu jirrey wiilkii faarax.
Aabbe guhaad: iyo ragii Waa ay kalla war qaateen, aabbe guhaad, waxa uu ahaa odday farriida waxa uu
ugu war-bixiyey waxa jiira iyo waxa socda, dood-dheer kadib waa uu ku qanciyay, ragii inay dib u labtaaan, arintana asagga loogu danbeeyo oo ah arinta faarax laga yeelli dooonno, dhanka kalle aabbe guhaad, waa
odday bulshadda dhaxdeedda maammuus iyo maqaam sarre kullahaa, ragii duullaan ka ahaa, way ka aqballeen codsigiisa maadama uu yahay oday la da’ oo la ixtiraamo.
Aabbe guhaad: waxa uu si fiican umarti soorray wiilkii faarax ahaa saddaxdii berri, waxa uu uu la sheekeestay wiilkii faarax ahaa iyo waxa uu imaatin kiisa halkan ay ku qotonto, Kalla war-qaadasho dheer kadib iyo waydiima dhowra, oo ladul-dhigay wiilkii faarax ahaa, ayaa nasiib u heley inuu ka wadda jawaabo, waxa uuna halkaa ku caddeeyay rabitaan ka iyo jaceylka uu u qabo gabadha layla waxa uuna caddeeyay in sababta halkan uu u yimid ay tahay, ballan jaceyl horre oo dhaxtaalay dhaxdooda, riyaddaasna uu rabbo in uu rummeeyo.
Aabbe guhaad: ayaa sidookalle waqti gaarra la qaatay gabadhiisa layla si uu u'ogaaddo markalle rabitaan ka
iyo cishqiga ay u qabto innanka faarax, iyo inay ku faraxsan tahay in la isku guurriyo.
Layla: ayaa ayaddunna si dagan u warrantay, aabbaheed iyo rabitaan ka ay u qabto faarax, iyo sidda uu faarax uga go’an tahay in ay’no is helno ayay sii raacisey hadalkeedda...
Aabbe guhaad: ayaa maalintii xigtey, waxa uu qaatay go’aan geesinnima leh, go’aan kaa soo layaab ku noqotay reer ka uu aabbe guhaad ka so jeeddo balse faarax iyo layla farxad gellisay

Aabbe guhaad: ayaa waxa uu usheegey faarax labba maalin kadib in uu u guurin doonno gabadhiisa layla. Dhanka kalle, Warkaa marka ay maqleen, reerka aabbe
guhaad amakaag iyo la yaab ayay ku noqotey, diidma dheer kadib, waxa ay aqballeen in gurriga cusub ay dhisaan ayna diyaariyaan wixi agab ee arooska ku bixi karra.
Faarax: waxa loo dhiggay asaga iyo layla aroos aad u sarreya, qiimihiisa lacageed aaad u ballaaran, ahaana
midka ugu magac dheer,uguna qaalisan aroos laga dhigo deegaanka.
Faarrax iyo layla waa la isku mehriyay, waxaana
bixiyay layla aabaheed guhaad, halkaa ayaana loogu duceeyay, faarax iyo layla, wayna aqal-galleen ayagoo aad u faraxsan, balse ka so qayb-gelliyaasha arooska, ee odday guhaad isku xigtada ay ahaayeen, ayaa waxa ay u arkayeen go’aanka, odday guhaad uu qaatay in uu yahey mid aad u qaldan, waxa ayna u arkayeen nin xanuunsan madaxa looggu jiirro, unna baahan qur'aan saar, waayo xeerka reer ka iyo dhaqanka lagu yaqiinnay sidaa ma’ahayn, waxa uu fallay oday guhaad in cadowgiisa uu so dhaweesto haddanna uu gabar siiyo
sidookalle hanta fara badan uu ku bixiyo arooska. Reer kii cusbaa way aqal-galleen, faarax waxa gurri looggu dhisay, qeyb bar-barka ku haysa gurriga aabe guhaad, Halka ayaanna looggu talla galey innay ku todobba
baxaan, waxaanna lo sameeyay reerka cusub malxiisad aad u yer oo u qabata wax kasta ay u baahdaan, Habben kii koowaad aqal-gal kooda faarax iyo layla ayaa ayagga oo waajib koodii qarran guddanaya, waxaa faarax uu marri-waysey xubintii gabadha, xeellad kasta iyo tab-kasta uu adeegsaday, wuu awoodi waayay in uu guddaha u gallo malab yarowgiisa, sababtunna ay tahay gabadha oo gudniin keeddu ahaa nooca fir***ga iyo mesha oo aad loo tolley. Waxa uu fikirabba, faarax waxa uu xal-ka raadiyey, middi yer ee uu heestay oo uu xoollaha ku gowracan jirrey xilliyada qaar kolna hub ahaan u isticaamli jirrey. 
Goobta wa mi’gga, manna jiraan goobo caafimaad ee laggu xalliyo dhibaattadda haysata reer kanni cusub. 


La saco qaybta xigta