Faarax: ayaa awood iyo xeellad waxa uu biddey, middidi yarayd, waxa uuna go’aan ku qaaatay, isla haben kaa in uu waddada yer ee xubinta furro,waxa uu la so baxay toorridii yarreyd, waxa uu sarray xubintii gabbadha xaaskiisa layla, asagoo isleh xoggaa tulliin ka yerra fur, nasiib-darro meel helis ah ayuu middi ku jrray, waxa uuna jarray xiddid muhim ah oo meesha ku yeelley.
Faarax: naxdin iyo qal-qal ayuu bilaawey, maaddaama meel qalddan uu gabadhi uu ka sarray, dhiig badan uu ka daaddanayo.
Faarax: tallaa ku warreertay, waa xilli danbe habbeenimo, waa arroos dhaqaaq farra badan masamayn karro, hadii uu u qayla dhaanshanna,gabadha aabahed ayuu ka ka baqayaa waayo asagoo caddow ah ayaa la so dhaweeyay, shalay, maantanna gabartii la siiyay ayuu middi ku sarray wayna dhiigbaxaysaa. Waxa uu u arkay hadii aabbe guhaad uu wargelsho in ceeb & faddeexad luggaha la geli doonno.
Faarax: wuxuu fikirabba waxa uu qaatay go'aan ah inuu la suggo xaalka gabdha inta uu waagga uu ka baryeyo, nasiib darro gabadhii layla haben ki ayay dhiig bax u dhimatay sababtoo eh, xidid helis ayuu ka jrray faarax asagoon fillaneyn.
Faarax: tallaa ku warreersan, gabartii la siiyey ayuu dilay waa sida la dhihi doonnee, asaggana uu ka baqayo, waxaa aroortii horre u timid gabadhii yarayd ee malxiisada , ayadda oo weel caanna iyo oodkac sidda bay u keentey, reer ka aabbe guhaad ay so sameeyeen loogguna talagalay arooska cusub in loogu toddoba bixiyo, caanihii iyo hilib kii ayuu faarax ka gudoomey gabdhii malxiisada ee illinka aqalkiisa taagnayd, waxau una fariin ahaan u faray faarax malxiisadda in aabbe guhaad ugu yeerto,uuna rabbo arin jirta in uu law addaago.
Malxiisadii: ayaa aabbe guhaad fariintii uu faarax uu so farrey u sheegtay, nasiib wannaag, aabbe guhaadd aqiiqada kadib ayuu so gaaray aqalkii, isla markii, faarax ayaa u so baxey, asagoo indhihiisa ay aad u gadduudan yihiin, naxdinna ay ka muuqato, dhiddid farra-badanna uu ka da'ayo.
faarax: waxa uu aabbe guhaad u sheegay wixi xallay ku dhacay gabdhii layla iyo sababta u geeriyootay,dhiig bax dartiii, uunna awoodi waayay in uu xakameeyo dhiiga ka socda inanta.
Aabbe guhaad: ayaa aamusay dhowr daqiiqo, wuxu si
cod dheerra oo dagan hal mar ku qayliyay asagoo far hal far kor u taagaya kunna hadaaqaya"Innaa Lillaah wa innaa illeyhi raajicuun"
Faarax: naxdinta ayaa ku sii ziyaaday waxa u muuqatey in maalintaa laga aar’gudi doonno maadama dillaa uu yahey, Faarax hadalkii ayaa ku dhagay yax-yax ayuu gallay.
Aabbe guhaad: ayaa darreemay faarax in uu xaalkiisaa Caadi ahayn, waxa uu si dagan ugu sheegay, in uu is yerra dajiyo, xaalkana uu caadi ahaan doonno.
Aabbe guhaad: ayaa waxa uu ku laabtay reerkiisa, waxa uu amray, xaasaskiisa labba ka midda iney tagaan aqalka faarax Gabadhii layla ahaydna so ogaadaan
waxa ku dhacay, in nabar kalle oo qarsoon sabab u ahaa geerrideeda in lagu dhuftay iyo in kalle.
Hablihii ayaa uso ruqaansadey dhanka aqalkii
faarax,waxa ay ka baarreen inantii dhimatay dhaawac kalle oo jirkeeda ka muuqda oo aheyn meeshi nabarka middida sababtey uu faarax ka sarrey, waxey so ogaadeen in dhiig bax uu jirro oo sababay nabar xaggahoose,balse oogadda kalle jirkeedda ay ka bad-qabto wax nabarra ama xagtiinna.
Aabbe guhaad: ayaa marka ay xaasaskii xogta la
wadaageen, sida ay wax u jirraan, kaddib ayaa inantiisii layla xawaasha uu ku geeyey gacantiisa, ayuunna ku so xawaaley, halkaa ayaana looggu duceeyay.
Faarax: la yaab baa u daarran oo tallaa ku warreersan, mar inantii uu jaclaa ayuu waayey oo asagga ayaana sabab u ahaa geerrideedda.
Tallow asaggana miyaa laga aar-gudsan doonnaa, mise waa la iska cafin doonaa oo reerkiisa ayuu iska aadi doonaa..!!
Aabbe guhaad: ayaa waxa uu isla maalin tii uu duugtinka layla dhowr saacaddood kadib, waxa uu la fadhiistey wiilkiii farxaan, aabbe guhaaad waxa uu go’aan, uusan kalla tashan u so bandhigay faarax.
Wiilkaygow faarax, gabadhii layla way geeriyootay, allah yyaraxmah,,,,, ee waxa samaysaa barrito aroos baad tahay, waxa aan ku siiyey gabadhii ka yarayd layla, ee laggu magacaawo"Luul".
Faarax: la yaab ayay ku noqotay Hadalkii oddey
Guhaad, waayo kama uusan fillanayn arintaa, waxa uu islahaa goormee adigunna lagu dilli doonaa maadama layla aad sabab u ahayd geerrideedda.
Xaasaskii oddey guhaad iyo wiilashii layla la dhashay ayaa waxa ay maqleen hadalka, in markalle faarax la siinayo gabartii ka yarayd layla ee Luul lagu magacaawo.
Halkaa ayay carra xoog leh kaga bilaabeen, iyo is bahaysi ay kaga biya diidayaan in marakalle la siyo gabdhooda wiil reerka dill badan ka sabab’saddey, maadama faarax uu collaadii dhacday ku dilley, qaar ka tirsan xigtadoodda,haddana gabar la siyay dabadeedna
uu dilley, xaasaskii iyo wiilashii waxa ay isku raaceen in aan la sin gabar kalle ee uu reerka uu ka dhaxbaxo kanna fogaaddo.
Aabbe guhaad :oo ahaa aabbaha reerka, markasta tallada gooyn jirrey, ayaa waxa uu iskugu yeerrey
reerka waxa uunna u sheegay in layla uu asagga dhalay luulna asagga uu dhalay, shalay layla aniga bixiyay, luulna maanta anigaa bixinnaya ayuu cod sarre leh ku qayliyey.
Faarax: ayaa asna la amray in uu luul manta laga
bilaabo xaaskiisa tahay, waxaanna loo dhiggey arroos qiima sarreeya sidii layla loogu guuriyey oo kalle.
Faarax Iyo luul way aqal-galleen, nasiib wannaag si nabadda ayay ku dhameesteen, Toddoba baxoodda
Faarax: ayaa ka codsaday aabbe guhaad in asaga iyo xaaskiisa luul loo fasaxo si uu reerkiisa la’aado oo uu halkaa kuwadda noolaaddaan, maadama faaarax uu reerkiisa in mudda ah ay is mooganyihiin
Aabbe guhaad: ayaa ka aqballey codsiga faarax, waxa uuna reerka amray in faarax iyo luul loo sameeyo gelbis aad u sarreeya.
Faarax iyo xaaskiisa luul waxa lo sameeyey sagootis aad u fiican, waxaanna loo qalley xoolo aad u farra badan, waxaana la so siiyay, sahay aad u fara badan iyo xoollo kalla geddisan, waxaa la so raaciyey 50 fardood ay saaran yihiin rag ee bar-barka reerka faarax socda, ujeed ka farduhu iyo ragga saaran ay tahay kalliya in ay gal-biyaan reerka arrooska.
Waxa ay so socdaan farax & xaaskiisa iyo kooxdii u qaabilsaneyd gel-biskooda, waxaa meel sarre oo sheedda korre ka arkay qaar ka tirsan qaar ka tirsan dadka tuullada faarax uu degnaa, waxa ay si qayla dheerra iskugu habar waceen dadkii tuullada, waxa Ayna u sheegeen in collaad ku so wajahantahay.
Dur-badiiba waxa heegan galley dadka deegaanka ee faarax ka so jeeday, maadama collaad ay u arkayeen dadkan faraha badan so socda haddana agabyo iyo kulla duwan sita Faarax: waxa uu darreeamay in reerkiisa, heegan ay galleen, kadib waxa uu talla ahaan u so jeediyey kooxdii gal-binaysey in ay halkani bannaanka ay ku naggaadaan, asaganna uu guddaha ugallayo tuulladda, uguna soo warramayo waxa jirra, maaddaama reerkiisu war moog ka yihiin xaalladda dhabta ee jirta
Faarax: waa’ay ka oggolaaddeen tallada uu soo jeeddiyey.
Faarax: ayaa u ruqaansaday guddaha tuullada waxa uuna si cod dheerra ku qaylinaya, ‘waa wiilkiiinii faarax.... waa wiilkiiinii faarax’
Waxa isku so wadda baxay qoyskii faarax iyo xigtadiisii, iyo dhamaan wixi tuullada joogay, kolka ay maqleen codkii faraax, waayo faarax aad baa loo raadinayey raq iyo ruuxdiisa wa la waayay, muddada uu maqnaa, imaatinka faarax tuuladda wax wayn bay u tahay.
La soco qaybta xigta

0 Comments